WASIIRKA WASAARADA HORUMARINTA BEERAHA AYAA HOR TAGAY BAARLAMANKA SOMALILAND

Hargeysa (WHB) - Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Maanta ansixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac.
Fadhigii Maanta oo uu hor-tagay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeruhu, ayaa waxa ka soo xaadiray 54 Xildhibaan, waxaana Wasiirka Beeraha ogolaaday 52Xildhibaan, 1 Xildhibaan ka aamusay, Guddoomiyuhuna ma codaynin, sidaas baanu ku ansaxay Wasiirka Horumarinta Beeruhu.
Wasiirka, ayaa ka hor inta aan la ansixin, wuxuu Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland u jeediyey khudbad dheer, taasi oo uu kaga warramay Taariikhdiisa aqooneed, khibraddiisa iyo qorsheyaashii waxqabad ee Mustaqbalka.