Wasiir SEED, Dhiggiisa Jabuuti Iyo Wasiirka Biyaha Somaliland Kormeer Ku Tagay Mashruuca Banka Wajaale.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed oo hoggaaminaya Wasiirka Beeraha, Biyaha iyo Xoolaha ee dalka Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale oo safar ku jooga Hargeysa, Wasiirka Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye iyo Wakiilka Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa Maanta kormeer ku soo maray Mashruuca Banka Wajaale ay ka waddo Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.