Wasaaradda Beeraha JSL Oo Gobollada Dalka U Kala Dirtay Siidh Ku Filan 10 Kun Oo Qoys Oo Beeralay Ah.

Hargeysa (WHB) - Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa Maanta Gobollada dalka u kala dirtay Siiidh ama Abuur lagu caawinayo Beeralayda 

Siidhkan oo dhammaanti ka soo go'ay Mashruuca Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeruhu Gacanta ku hayso, ayaa waxa ka faa'idaysan doonaa illaa 10 kun oo Qoys oo Beeralay ah. 

Munaasibad ballaadhan oo Maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Beeraha ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ugu horrayn ka hadlay Maareeyaha Mashruuca Wajaale ee Wasaaradda Eng. Mawliid Xasan Cabdi, waxaanu sheegay In Siidhkan oo u badan galay uu dhamaantii ka soo go'ay Banka Wajaale, sidaasi darteed ay ku faraxsan yihiin in midhihii ay Wasaaraddu soo saartay lagu taageero Beeralayda dalka, si ay ugaga faa'idaystaan Roobabka Gu'ga ee Dalka ka bilaabmaya. 

Eng. Mawliid Xasan Cabdi wuxuu sheegay inay Wasaarad ahaan sii wadayaan dedaalka ay ugu jiraan sidii wax soo-saarka dalka loo kordhin lahaa. 

Munaasibadda oo ay sidoo kale ka hadlay Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa waxa soo gunaanaday Wasiirka Wasaaradda Beeraha Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac, waxaanu sheegay in sababta ay Wasaarad ahaan xilligan ugu soo beegeen qaybinta Siidhku tahay in Beeralaydu ay uga faa'idaystaan Xilli Roobaadka Gu'ga. 

Wasiirka oo u Mahad-celiyey Maareeyaha Mashruuca Banka Wajaale, ayaa sidoo kale Beeralayda ugu baaqay inay Siidhkan oo ah kii Asalka ahaa sida ugu habboon uga faa'idaystaan.