
AGAASIMAHA WAAXDA QORSHAYNTA AYAA TABABBAR U SOO XIDHAY
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Ee Wasaaradda H. Beeraha Oo Maanta Tababbar U Soo Xidhay Isku-duweyaasha Wasaaradda Ee Gobollada Dalka & Hawl-wadeeno Kale.
...............................................................................
Hargeysa (WHB) - Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Tiro-koobka iyo xidhiidhka Hay'adaha ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Cabdirisaaq Shaafi Maxamed, ayaa Maanta Magaalada Hargeysa Tababbar ugu soo xidhay Isku-duweyaasha Wasaaradda ee Gobollada dalka, Agaasime-waaxyeeda Wasaaradda qaar iyo xubno kale oo ka mid ah hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha.
Tababbarkan oo ay soo qaban-qaabisay Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Beeraha isla-markaana ay Maalgelisay Hay'adda WFP, ayaa socday muddo Laba Maalmood ah.
Tababbarkan oo muhiim u ah shaqada ay Qaranka u hayso Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa Isku-duweyaasha, Agaasime-waaxeedyada iyo Hawl-wadeennada kale ee Wasaaraddu waxay muddada uu socday ku qaateen duruus la xidhiidha sugnaanshaha iyo heerarka ay Marto cuntadu, arrintaasi oo Tababbarku ku saabsanaa.
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Tiro-koobka iyo Xidhiidhka Hay'adaha ee Wasaaradda Horumarinta JSL Cabdirisaaq Shaafi Maxamed oo Maanta soo xidhay Tababbarkan, ayaa ka soo qayb-galayaasha Tababbarkaasi u soo jeediyey in aqoontii ay ka qaateen Tababbarka ay ku dabaqaan shaqooyinkooda Maalinlaha ah ee ay Qaranka u qaabilsan yihiin, maaddaama oo ujeeddada Tababbarkan laga lahaa ahayd in ka qayb-galayaashu ka faa'idaystaan.
Ugu dambayn, Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL oo Qaranka ugu xil-saaran horumarinta Wax soo-saarka Beeraha, Beeralayda iyo sidii dalku u gaadhi lahaa isku-filaansho dhanka cuntada ah, ayaa kor u sii qaadday dedaalkeeda la xidhiidha arrimahaas kor ku xusan.
...................................................................................
Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.